April 27, 2016 | Posted by admin

26708d28cf324a208875d13f04702678
Donald Trump ayaa sheegay in haatan uu isu haysto inuu helayba tigidhka musharaxnimada xilka madaxtinimada Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga.
Waxa uu la hadlayay taageerayaashiisa kaddib markii warbaahinta Mareykanku ay sheegtay in uu ku guulaystay dhammaan shanta gobo lee waqooyi bari Mareykanka ee ay ka dhaceen codbixinta isreebreebka.
Dhanka isreebreebka Xisbiga Dimuqraadigana isla gobolladaasi ayey Hillary Clinton waxa ay ka guulaysatay ninka ay aadka isku hayaan ee Bernie Sanders, oo isna dhankiisa la sheegay in uu ku guulaystay Jasiiradda Rhode.
Mrs Clinton oo taageerayaasheeda kula hadlaysay Pennsylvania, ayaa waxa ay ku amaantay Mr Sanders sida tartankiisa uu u xooggan yahay, waxa ayna sheegtay xisbigu uu midaysan yahay.

COMMENTS