February 2, 2014 | Posted by admin

Wararka laga helaayo Magaalada Hargeysa, ayaa waxay sheegayaan in lagu xiray seddex ka mid ah Saraakiisha Dowladda, ee ka halwgala Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Seddexda ruux ee la qabtay oo middi ay haweeney tahay, ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Ciidanka ammaanka ee Garoonka ka hawlgala, ayaa xubnahaan ka shakiyay, sidaana ay ku xireen, sida uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade, uu u xaqiijiyay laanta afka Somaliga ee BBC.
Tallaabada lagu xiray xubnahaan, ayaa waxay Somaliland ku sheegtay in ay horey kaga digtay in Deegaanadeeda, aynaan ku socdaali karin xubnaha ku jira Dowladda Federalka ee Soomaaliya, hadana ay markale ku celineyso inaanay ku socdaali karin.
Saraakiisha lagu xiray Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ku jira Madaxii Protocol-ka ee Xafiiska Madaxweynaha Jaamac Maxamed Jaamac, Fahiima Urur Nageeye oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Sarkaal kale, oo aan la shaacin darajadiisa, waxa ay tahay.
Dowladda Federalka ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin 3-da xubnood ee ka tirsan, ee lagu xiray Magaalada Hargeysa, xilli ay muuqdeen inaanay wax xiriir ah la samayn Somaliland.

COMMENTS