December 8, 2012 | Posted by admin

Mareykanka ayaa ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ee lama magacbaxay AMISOM waxa uu ku dhiiragilyay inay sii laba jibaaraan howlgalka AMISOM ee ay kaga soo horjeedaan Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida ee ka socda Soomaaliya.

Madaxa xariirka Mareykanka iyo Midowga Africa Cater Ham ayaa sheegay ciidamada AMISOM ay ammaan ku mudan yihiin dadaaladii ugu danbeeyay ay ka sameeyeen deegaanada laga saaray Al-Shabaab ee ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulankii saddexaad ee shirka sanadlaha saraakiisha sare ee Mareykanka iyo Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Washington ayaa diiradda lagu saaray sida ay dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub uga wada shaqayn karaan wax ka qabashada caqabadaha iyo fursadaha labada dhinac ee horumarinta nabadda caalamiga ah iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-Shabaabka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ballan-qaaday taageerida AMISOM iyo dowladda cusub ee Soomaaliya oo baadi-goob ugu jirta abuuridda xasillooni siyaasadeed iyo hanaan dowladeed oo si wadajir ah la isaga kaashado.

Ugu danbeyntii Mareykanka ayaa AMISOM kula dardaarmay in hada ay yihiin kuwo howshooda si fiican gudanaya islamarkaana loogu baaha tahay inay sii wadaan dadaalada dalka dib loogu soo celinayo nabada iyo kala danbeynta,waxa uuna Mareykanka uu balan qaaday in soomaaliya iyo ciidamada Midowga Africa ay la garab taagan yihiin hiil iyo hoo.

COMMENTS