October 19, 2016 | Posted by admin

Waxaa Xalay fiidkii xorriyadiisa dib u helay tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho Cabdi Aadan Guuleed oo sadexdii cisho ee lasoo dhaafay u xirnaa ciidanka Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Wargeyska Xog-ogaal oo asna xirnaa ayaa lagu wadaa inuu Saakay Albaabada loo furo.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaana sidaasi xaqeejiyay.
Dhinaca kalana isla xalay ayey ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay xabsiga u taxaabeen Xamza Maxamed oo ka tirsan Telefashinka AL Jazeera qeybtiisa ku hadasho afka Ingiriisiga iyo sadex kale oo la shaqeyneysay saxafigaan.

Lama Oga Sababta loo Xiray Wariyaasha Tv-ga Al-jazeera ee lagu Xiray Magaalada Muqdisho.

COMMENTS