January 7, 2018 | Posted by admin

Tartanka Xilalka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumada Soomaaliya ayaa Waxey soo Gaartey Heerkii Labaad.

Iyadoo Dadka Codsiyada Soo Gudbistey ay Gaarayaan 2000 oo Qof oo u Tartamaya 27 Boos Kaliya!!

Tartamayaasha u Gudba Heerka Sadaxaad Ayaa Lagu kala Saari doonaa Imtixaan Qoraal iyo Af ah.

Guuleystayasha Nasiibka u Yeesha Waxaa Magacaabi Doona oo Wareegto kusoo Saari Doona Raiisulwasaaraha Xukuumada Soomaaliya, xasan Cali Khayre.

Hanaanka Xulista Tartamayasha Waxaa Xulaya Guddi Fulineed oo ka Kooban Qaar Kamid Ah Golaha Wasiirada iyo Bulshada Rayidka iyo Korjoogayaal Madax Banaan.

Arinkaan ayaa La filiyaan in dhawaan la soo Gaba gabeeyo Laguna dhawaaqo Cida Sida Rasmiga ah ugu soo baxday Liiska Agaasimayaasha.

 

COMMENTS