December 11, 2012 | Posted by admin


Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa soo dhoweeyay maal-gashi uu sheegay in gacansato ka timid qurbaha ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Tarsan wuxuu sheegay in maal-gashiga qurbo-joogta ay ka sameynayaan caasimadda uu door weyn ka qaadan karo horumarinta nolosha iyo ammaanka.
Wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha inay ku dhiirradaan sidii maal-gashiga iyo ganacsiyada ay ku haystaan qurbaha ay ugu soo wareejin lahaayeen dalkooda.
Duqa Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday degmada Shibis oo xarigga looga jarayay huteel cusub oo degmadaas laga hirgeliyay kaasoo loo bixiyay Oriental Hotel.

COMMENTS