July 24, 2017 | Posted by admin

Taliyihii Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko Jen, Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab) ayaa maanta xil ka qaadis lagu sameeyay, saddex bil kaddib markii xilkaas dib loogu magacaabay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) uu xilka ka qaaday Taliye Cali Gaab.

Wararka ayaa sheegaya in Jen. Cali Gaab Taleefan loogu sheegay in xilkii uu ku simaha ka ahaa laga wareejiyay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Jen. Cali Gaab uu ahaa Kusimaha Taliyaha Ciidamada Taraafikada, iyadoo uu xilkan ku sii simayay Taliye Cali Maxamed Cali oo howlo caafimaad dibadda ugu maqnaa.

Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Maxamed Cali ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay la wareegay xilkiisa

Jen. Cali Gaab ayaa horay u soo qabtay xilalka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Taraafikada, waa nin howl kar ah oo ah madaale shaqadiisa ka adag

COMMENTS