Taliyaha ugu sareeya ciidamada Ethiopia Gen Gabreh ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya taasoo ah markii ugu horeysay oo Gen Gabreh uu yimaado Muqdisho tan iyo intii ciidamada Ethiopia ay isaga bexeen Muqdisho 15-kii Janaayo 2009.
Sarkaal ka tirsan dawlada Soomaaliya oo naga codsaday inaan magaciisa loo adeegsan warbixinta ayaa u xaqiijiyey Shabakada duhur.com in Gen Gabreh oo galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada ee dawlada KMG ah iyo wasiirka gaashaandhiga walow aan la ogeyn waxa dhab ahaan uu kulankaasi ku saabsanaa.
Gen Gabreh waxaa ka hor intii uusan galabta ka soo degin Muqdisho uu soo maray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyo magaalada Baydhabo halkaasoo saraakiil la socotay ay kaga soo hareen, waxaana isaga iyo labo sarkaal oo kale ay u soo gudbeen magaalada Muqdisho.
Gen Gabreh ayaa kulankii caawa uu la qaatay saraakiisha ciidamada kadib waxaa xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay raysul wasaare C/weli Gaas halkaasoo Gen. Gabreh loogu sameeyay martiqaad casho ah.
Warbaahinta gudaha ayaa laga ilaaliyey inay ogaadaan joogitaanka Gen. Gabreh ee Muqdisho, waxaana sarkaalka noo xogwaramay uu duhur.com u sheegay in Gen Gabreh uu u joogo arimo la xiriira dhanka militariga iyo hawlgalada ciidamada Ethiopia ay ka wadaan gobolada koonfurta Soomaaliya.
Dhanka kale saraakiil Ethiopian ah oo maanta soo gaaray degmada Guriceel ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshay masuuliyiinta maamulka Ahlusuna iyadoo saraakiisha Ethiopianka ay caawa ku hoydeen degmada Guriceel.
Imaanshaha saraakiisha sare ee ciidamada Ethiopia ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu galabta ka degay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia isagoo kulan gaar ah la qaatay raysul wasaaraha Ethiopia Melez Senawi.

All Posts
BBC 0400 GMT








