August 22, 2014 | Posted by admin

Wararka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in Taliyaha Guutada 99-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Korneyl C/laahi Isxaaq (C/laahi Yare), uu galabta ku dhaawacay weerar dhaba gal ah oo ka dhacay Gobolkaasi.

Weerarku wuxuu ka dhacay deegaanka May Kareebe oo 18km ka baxsan Magaalada Garbahaarey, xilli ay gurmad ahaan ugu socdeen ciidan ka tirsan Dowladda iyo Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, oo iyana weerar dhaba gal ah loogu sameeyay deegaanka Ceel Macoow, oo 30km u jirto Garbahaarey.

Taliyaha waxa uu ka jabay gacanta midigta, iyadoo markii dambena dhaawaciisa loo qaaday Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, halkaasoo lagu dabiibaayo.

Sheekh C/raxmaan Maxamed Amiin (Al-ansaari) oo ka tirsan Saraakiisha Ahlu Sunna, ayaa sheegay in ay si weyn u caabiyeen mintidiinta Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay meydad ka carareen. Isagoo xusay in ay hayaan meydadka 3 nin.

Sheekh C/raxmaan Al-ansaari waxa uu dhincoodu sheegay in dagaalku ay kaga dhaawacantay ilaa 3 nin oo kaliya, isla-markaana ay dhaawacyadoodu ku dabiibayaan Magaalada Garbahaarey.

Al Shabaab kama aynaan hadlin weerarka kamiinka ah ee ay u dhiggeen kolonyadii ay la socdeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

COMMENTS