Taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda Lt. Gen. Katumba Wamala oo saxaafadda kula hadlayay Arbacadii shalay garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalkiisa ayaa sheegay inay go’aansadeen in 750-askari oo dheeraad ah ay u diraan Muqdisho.
“Ciidamada aan dirayno waa mid aan go’aankooda gaarnay, waxaana la geynayaa Muqdisho si ay uga qaybqaataan howlaha nabad ilaalinta ah,” ayuu yiri Wamala oo intaas ku daray in tirada ciidamada kaga sugan Muqdisho ay noqon doonto 3,745-askari.
Lt. Gen. Wamala ayaa intaas ku daray in dalka Burundi oo ay jaal ku yihiin AMISOM ay iyaguna u dirayaan Muqdisho maalmaha soo socda 1,600-askari, taasoo uu sheegay inay ka dhigi doonto ciidamada AMISOM 8,000-askari oo ahayd tiradii uu horay u ballanqaaday Midowga Afrika.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in dalalka kale ee Afrika ay ka gaabiyeen inay ciidamo u diraan howlgalka Soomaaliya ee AMISOM, wuxuuna xusay inay ku sugnaan doonaan Soomaaliya inta ay nabadda kasoo celinayaan.
Maydadka askarta Uganda ee la geeyay Kampala ayaa waxay ku dhinteen madfac ay Xarrakatul Shabaab ku weerartay madaxtooyada Soomaaliya halkaasoo ay ilaalo ka hayaan, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Maj. Barigye Behuko.
Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda oo keliya, iyadoo dalalkii horay u ballanqaaday inay qayb ka qaadna doonaan howlgalkan ay ka baaqsadeen inay ciidamo soo diraan, iyagoo ku sheegay xaaladda Somaaliya mid aan la isku halleyn karin

All Posts










