Waxaa caawa dil toogasho ah loogu geystey magaalada Garowe taliye ku xigeenkii labaad ee Ciidanka Booliska Puntland Col.Cabdullaahi Saalax (Nadalo) Dilka ayaa dhacay salaadii makhrib kadib isaga oo ku jira gaarigiisi oo maraayey agagaarka Hotel Bulshaale oo ku yaala dhanka Koonfur Galbeed ee magaada Garowe.
Taliyaha la diley ayaa inta badan socon jirey isaga oo aan wadan wax ilaalo ah, waxaana gaarigiisa laga heley isaga oo naftu ka baxdey kadib markii rasaas ku dhacdey lagu dhuftey.
War soo baxay dhimashada Taliyaha kadib ayaa sheegaya in maalintii Shalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo xilka ka qaadey inkasta oo aan la shaacin Wareegtada xilka looga qaadey, Col.Cabdullaahi Saalax oo loogu yeeri jirey (Nadalo) ayaa ka soo jeeda Gobolka Sool.
Lama garanayo jihada ka danbeysey dilka Taliyaha, laamaha amniga ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin, waa sarkaalkii u sareeyey oo ka tirsan ciidanka amaanka oo muddooyinkan la dilo, Caasimadda Puntland ayaa ah goobaha amnigoodu aad u wanaagsan yahay marka dalka intiisa kale loo barbardhigo waxaana socda baaritaano lagu doonayo in lagu ogaada qaabka taliyuhu u dhintey.

All Posts
BBC 0400 GMT








