September 13, 2017 | Posted by admin

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (Africom) ayaa sheegay in saddex weerar oo dhinac cirka ah ay maanta ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarada duqeynta ah lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Duqeymahan ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan.

War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in howl galka laga fuliyay meel 260KM koofur ka xigta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tallaabadan u qaaday, isaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanku, bishii March ee sanadkan 2017ka, amarkaas oo ciidanka Maraykanka u ogolaanaya inuu tallaabooyin ad-adag ka qaado ururka Alshabab ee ku sugan goobo gaar ah, iyada oo arrintaas lagu taageerayo ciidamada Somalia.

Ugu dambeyn war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Maraykanka, una curyaamiyaan argagixisada, iyada oo arrintaas loo marayo la shaqeynta ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM iyo ciidanka qaranka Somalia si loo wiiqo awoodda argigixisada ee Somalia, gobolka iyo caalamka oo dhan.

COMMENTS