January 2, 2013 | Posted by admin

Baladweyne—Xilli Munaasabad Ballaaran ay ka dheceysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan taasoo lagu Maamuusayay Sanadka cusub 2013ka ayaa halkaasi waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada Milatariga dowladda ee Gobolka Hiiraan Tawane Axmed Gureey waxaana uu sheegay in uu diyaarsanyahay qorshihii Al Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolkaasi

Taliyaha waxa uu sidoo kale fariin adag udiray Ururka Al Shabaab taaso ku aadan in Gobolka Hiiraan uusan wada qaadin dowladda iyo Al Shabaab islamarkaana ay ku kala bixi doonaan Goor dhow.

Taliyaha Ciidamada Miltariga Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale Tilmaamay in raggii Shabaabka ahaa ee Bastooladaha dadka ku dili Jiray in ay Xabsiyada haatan ku jiraan Gabalkoodina uu dhacay.

Taliyaha ayaa dhanka kale waxa uu xusay in ay Jiraan Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiaran oo Al Shabaab gacanta ugu Jira balse ay ka saari doonaan sida uu hadalka udhigay.

Tawane ayaa dhanka kale Shacabka Gobolka Hiiraan waxa uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka iyo Ciidamada Gobolkaasi si ammaanka loo xaqiijiyo

COMMENTS