March 18, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Dowlada KMG soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawaan gacantooda ay soo gali doonto Degmada Afgooye ee Gobalka Shabelaha hoose oo ay maamulan Ururka Al-shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka soomaaliya Cabdi kariin yuusuf Aadan Dhagabadan oo kaqaybgalay Munaasabad Ciidamo katirsan Dowlada Tababar loogu soo xirayay kaqaybgalay ayaa waxaa uu jeediyay Ciidamadaas hadalo dardaran iyo guubaabo isugu jira.

Waxaa uu ugbaaqay ciidamada Tababarka loo soo xirayay inay isku soo diyaaran Dagaal ay dowlada kuqaadayso Degmada Afgooye.

Maalin kahor Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ee dowlada Tageera waxaa ay isku fidiyeen Deeganada Bariga Degmada Kaaraan.

Waxana kahoreeyay Dagaal Amisom iyo Dowlada ay kuqabsadeen 2 da Bisja Maarso Subaxnimo Jimca ah Fariisin Muhiim u ah oo Ururka Al-shabaab loogala wareegay Xaafada Suuqa Xoolaha.

Ururka Al-shaabab waxaa ay qabaan inuu Dagaalka Muqdisho dhamaanin halka Dowladana ay sheegtay inuu soo afjarmay Wajigii hore ee dagaalka Muqdisho ayna udiyaargaroobayaan Gobalada Soomaaliya.

COMMENTS