November 30, 2012 | Posted by admin

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed  ayaa xalay Muqdisho ka sameeyey howgalo ay ku xaqiijinayaan sida uu u meelmaray go’aankii madaxada Qaranka ee ku aadanaa qaadista isbaarooyinki yaalay jidadka Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Gobolka Banaadir Gen. Axmed Xasan Maalin ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamada Booliisku ay xalay howlgallo toos ah oo lagu sugayo ammaanka ka sameeyeen degmooyinka G/Banaadir,  isagoo xusay in la qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaalay waddooyinka.

Sidoo kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay joogteyn doonaan howlgallada lagu sugayo amniga,  isla markaana looga hortagayo in aysan soo laaban isbaarooyin dambe oo gaadiidka looga qaado lacago baad ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Muqdisho waxaa ka socday olole ballaaran oo looga hortagayo isbaarooyinka, kadib markii Madaxweynaha J.F.Somalia uu amar ku bixiyay in la qaado isbaarooyinka gaadiidka looga qaado lacagaha sharcidarrada ah.

COMMENTS