December 29, 2012 | Posted by admin

Ugu yaraan 26 ruux oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah ayaa geeriyooday, 28 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay ku duntay shamiinto saarnayd gaari si dhuumaaleysi ah loogu waday oo kasoo qaaday deegaan lagu magacaabo Ajdaadiyah kuna socday magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya.

Dadka la xaqiijiyay geeriyooda ayaa waxay isugu jireen lix gabdhood iyo 20 wiil oo dhammaantood dhallinyaro ahaa, iyadoo sidoo kale saddex ka mid ah dadka ay dhaawacyadu gaareen ay xaaladdoodu khatar tahay.

“Shilka gaari ee ay ku dhinteen tahriibayaasha Soomaaliyeed wuu jiraan, waxaanna leennahay inta dhimatay Allaha u raxmado, inta dhaawaca ahna Allaha caafiiyo,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya, C/qani Wacays oo la hadlay warbaahinta.

Danjiruhu wuxuu hadalkiisa ku daray in tahriibayaasha gaariga la socday  ay tiradoodu ahayd 120 ruux, isagoo xusay in dadkii ka badbaaday shilka oo isugu jiray 56 wiil iyo 18 gabdhood la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Tripoli ee xarunta Liibiya.

Gabar ka mid ahayd dadkii ka badbaaday shilka oo la hadashay idaacadda VOA-da ayaa sheegtay in lasoo saaray qaybta hoose ee gaariga, qaybta sarena la saaray shamiito fara badan, taasoo ugu dambeyn kusoo duntay halkaasna ay ku dhinteen tahriibayaal badan.

Tahriibayaashan ayaa waxay ku socdeen magaalada Tripoli si ay halkaas uga raacaan doon u socotay dalka Talyaaniga, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo sannadkan ka dhaca dalka Liibiya.

Soomaali fara badan oo tahriib-doon ah ayaa ku sugan dalka Liibiya, kuwaas oo dhibaato badan ka mara sidii ay ku gaari lahaayeen dalkaas, iyadoo intaa kaddib ay doomo ka raacaan xeebaha dalkaas kuwaasoo ay naftooda ku waayeen tahriibayaal badan.

HOL/DUHUR

COMMENTS