December 7, 2016 | Posted by admin

img_1197

INAA LILAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJICUUN

Arboco, December 7, 2016 (duhur) – Guddoomiyihii sharikadda Somali Airlines Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa manta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane Guuleed ayaa u dhintay jiro in mudda ah haysay. Waxaana uu dhawaan ka yimid dalka Hindiya ee uu caafimaad ugu maqnaa.

Jeneral. Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed dagaalkii 1977-kii hor inta aan loo magacaabin gudoomiyenimada sharikadda Somali Airlines.

Mudane Guuleed ayaa wuxuu ka mid ahaa Duuliyayaashii ugu horeeyey ee loo soo tababaro Ciidanka Cirka Soomaaliyeed. Isaga tababar duuliyenimo u aaday dalka Masar iyo dalkii Midowga Sofiyeetiga ee hadda loo yaqaano Russia. Wuxuuna ka mid ahaa duuliyayaashii ugu wanaagsanaa ee tababarka halkaas ku soo dhameystay.

Marxum Guuleed ayaa dhowr sanno u xirnaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre, isaga oo lagu eedeeyey in uu qayb-ka ahaa in-qilaabkii dhicisoobay ee uu hogaaminayey Cabdullaahi Yuusuf ee dhammaadkii sannadkii 1978.

Dhanka kale, Marxuum Guled wuxu soo celiyay magacii iyo sharafkii shirkada Somali Airlines oo u ka dhigay Shirkadaha ugu horumarsan qaaradda Afrika. Waxuuna ka tirsanaa golaha dhexe ee X.H.K.S oo markaa awood xoogan ku lahaa dalka.
img_1197

WAXAAN ILLAAHEY UGA BARYEENAA INUU DANBIGIISA CAFIYO WAXAAN KA CODSANEYNAA  DHAMAANA SHACABKA SOOMAALIYEED INAY ISKA CAFIYAAN MARXUUMKA WAXAAN LEENAHAY GAAR AHAAN QOYSKIISA IYO QARAABADIISA SAMIR IYO IIMAAN ALLAHA IDINKA SIIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

 

 

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW

 

COMMENTS