July 26, 2014 | Posted by admin

Suuqyada Magaalada Muqdisho sida,Bakaaraha,Suuq bacaad iyo Xamar-weyne,waxaana ka muuqatay xiligaas Mashuul ay iyo Dadka oo si wada jir ah u Dukaameeysanaya.

Qaar ka mid ah Ganacsatada iibiya Dharka ay Caruurtu ku Ciidaan,oo la hadlay Keydmedia online ayaa sheegay in Ciidaan iyo Ciidihii hore uu Farqi weyn u dhaxeeyo islamarkaan Ciidaan ay Raqiis yihiin Waxyaabaha ay Caruurtu ku Ciido sida Dharka,iyo waxyaabaha kale .

Maxamed Haruuse oo ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in Ciidaan ay Dadka si fiican ay u adeegteen oo ay Faa’idooyin fiican heleen.

Sidoo kale Qaar kamid ah Caruurta Suuqyada Magaalada Muqdisho u soo Ciid doonatay oo ayagana la hadlay KON ayaa sheegay in ay Faraxsan yihiin oo ay Ciidaan kuwii hore oga fiican tahay,maadaama ay Raqiis yihiin Sanadkaan Waxyaabaha ay Caruurtu ku iido.

Maalmo kooban ayaa naga xiga Maalinta weyn ee Ciidul Fidriga,iyadoona dhamaan Wadamada islaamka looga diyaar garoobayo.

COMMENTS