September 27, 2016 | Posted by admin

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta shaaciyay in la mamnuucay  suuqa Cabdalla Shisheeye ee suuqa Bakaaraha ku dhex yaala  kaasoo lagu sameeyo dukumiintiyada iyo shahaadooyinka, isla markaana lagu iibiyo qalabka lasoo isitcmaalay laguna farsameeyo.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane iyo Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo Amniga Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ( Yabooh ) oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay suuqa bakaaraha, ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo mamnuucay jiritaanka suuqa Cabdalla lla Shideeye la xariira.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintan ayaa uga digay dadka ku shaqeeysta suuqaas inay inaysan kasii shaqeyn karin, iyagoo xusay in sharciga lala tiigsan doono ciddii lagu arko iyadoo ku hawlan shaqada suuqaas  ee Cabdalla shideeye.

Dhanka kale Xalane ayaa ku boorriyay hay’adaha amniga inay il-gaar ah ku hayaan hawlaha  suuqa   isla markaana tallaabo adag laga qaado ciddii lagu qabto arrintaasi.

Suuqaan Maanta la sheegay in la joojiyay ayaa waxaa ku nool dad kala duwan waxa ayna ku maareeyaan Noloshooda hasa yeeshee arinkaan ayaa imaanaya xili horay madaxda dowlada ay uga digeen dadka ka shaqeeya in ay ka waan toobaan arinka suuqaasi.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS