March 19, 2017 | Posted by admin

Xabsi-620x264-1-620x264
Maalin uun kaddib markii 32 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ka qaxay dalka Yaman lagu laayay badda cas, ayaa waxaa hadda soo baxaysa qeylo dhaan ay samaynayaan qoysas Soomaali ah oo ka soo caray Yaman basle ku xiran dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah dadka Halkaasi ku xiran oo la hadlay idaacada BBC-da la soo xiriiray ayaa waxa ay sheegeen in ilaa 185 qoys ay gaarayaan ayna Xiran yihiin Muda dhan 11 bilood.

Dhanka kale Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum ayaa sheegtay in ay ka war hayso dadkaasi oo ay xabsiga ku booqdeen.

Maxamed Cabdullaahi Ugaas oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan, ayaa sheegay in ay ka war qabaan 102 qof oo sheegtay in ay ka yimaadeen Yaman basle ay diideen in Soomaaliya dib loogu celiyo.

Dadkaan ku xiran wadanka suudaan ayaa cabashooda soo bandhigay ka dib markii dhawaan dad soomaali ah lagu laayay Badda cas kuwaas oo ku siijeeday Wadanka Suudaan.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS