December 28, 2013 | Posted by admin

Nabadoon caan ahaa ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo dilkan uu qeyb ka noqonayo dilal qorsheysan oo mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay degmadaas.

Nabadoonkan ayaa lagu magacaabi jiray Suldaan C/qaadir Suldaan Baliile oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii Odayaasha Guurtida degmada Afgooye, waxaana la sheegay in kooxihii dilka ka dambeeyay ay baxsadeen.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa sheegay in aanay garaneyn sababaha loo dilay, hase ahaatee waxaa uu dilkiisa ku sifeeyay dilalka qorsheysan ee lagu haayo dadka waxgalka u ah bulshada.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa howl galo ka wada degmada Afgooye, kaasoo ay ku baadigoobayaan kooxihii dilka ka dambeeyay, inkastoo aanay jirin wali cid ay u soo qabteen.

Nabadoonka ayaa lagu wadaa in saaka lagu aaso degmada Afgooye, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Afgooye oo ku aadan dilkan loo gestay Nabadoonkan.

COMMENTS