April 21, 2014 | Posted by admin

Rag bistoolado ku hubaysan ayaa maanta magaalada Kismaayo ku toogtay suldaan lagu magacaabi jiray Caamir Cabdi Dhuux.
Dilka suldaanka ayaa la sheegay in ay fuliyeen labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo baxsaday dilka kaddib.
Weriyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ay gaareen goobta, halkaas oo ay ka billaabeen howlagallo baaritaanno ah.
Ma jirto cid ka hadashay dilka suldaanka, lamana garanayo sababta iyo cidda ka dambeysa dilka.

COMMENTS