March 19, 2012 | Posted by admin

Mahad waxaa iska leh Eebbaha Caalamka abuuray, Naxariis iyo Nabadgelyo Alle ha siiyo Nabigeena Maxamed(scw)Eheelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaan. Intaa ka dib, tarjumadani waxay ku saabsan tahay Soonka, Axkaamtiisa, dadka sida ay ugu kala qaybsan yihiin, waxaa Soonka fura iyo faa’iidooyin kale oo kooban .

Soonka: waa in Sarreeye Eebbe lagu caabudo ka tagidda waxyaabaha Soonka fura markuu waaga baryo ilaa uu gabbalku dhaco

Soonka Ramadaan: waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islamka ugu waaweyn, waxaa u daliil ah Oraahda Nabiga(scw): Islaamka waxaa lagu dhisay shan: In laga markaco Eebbe mooyee cid kaloo cibaado mudan ineyan jirin, Maxamedna(S.C.W) uu yahay adeegaha Eebbe, in Salaada la tukado (oogo), Zakada la baxsho, Bisha Ramadaan la Soomo iyo in Guriga Eebbe ee Xurmeysan la soo booqodo (Xajka)

DADKA & SOONKA

1. Soonka waajib ayuu ku yahay qof kasta oo Muslim ah, oo qaan gaar caaqil ah ( aan waalleyn) awoodi kara, oo aan musaafur ahayn.

2. Gaalka ma soomayo, hadduu Islaamana waajib kuma aha inuu gudo Soonka intuu gaalka ahaa.

3. Carruurta yar-yar ee aan qaan gaarin, soon kuma waajibo, balse waa la faryaa si ay ugu caada yeeshaan .

4. Qoka waalan soon iyo in raashiin laga baxsho midna waajib kuma aha, waxaa kaloo la mid ah doqonka aan wax kala sooci karin iyo waayeelka cantaatabay ee aan waxba kala garanayn.

5. Qofkaan u Soomi karin sababo joogto ah awaadeed sida : qof gaboobay, qofkuu haayo cudur aan bogsaneyn labada waxaa laga bixinayaa rashiin la siinaayo qof miskiin ah dharaar kasta soonkeeda

6. Qofkuu cudur lama filaan ah ku dhaco, oo la rajeeynayo inuu bogsoodo wuu afurayaa hadduu soonku dhibayo, markuu bogsoodo ayuuna gudayaa.

7. Marwada uurka leh iyo midda ubad nuujinaysa, hadduu soonka dhibayo uurka ama nuujita daraadood, ama ay u baqaan ubadkooda way afurayaan, waxayna iska gudayaan markay u sahlanaato ama ay cabsida ka baaba’do

8. Marwooyinka caadada ama kadhka (1) uu yimaado ma soomayaan inta ay caadada ama kadhka uu hayo, inta maalmood ka tagteyna way soo gudayaan markay fursad u helaan.

9. Qofka danta ay ku kallifto inuu afuro si uu badbaadiyo qof biyo ku maashoonaya ama gubanaya, wuu afurayaa dabadeedna wuu gudayaa soonka ka tagay.

10. Mussaafurka (Socdaalka) hadduu doono wuu afurayaa, dabadeed wuu gudayaa inta dharaarood ee uu afurnaa, waa isku mid hadduu safarkiisu yahay mid lama filaan ah ama mid joogta ah sida dadka iska leh gawaarida la kiraysto, way afuryaan hadday rabaan, maadaama ayan joogin magaaladooda.

WAXYAALAHA AAN SOONKA FURIN

1. Qofka soomani ka furmi maayo Soonka hadduu cuno waxyaalaha Soonka fura asagoo illowsan ama jaahil ka ah ama lagu dirqiyo, waxaana u daliil ah Oraahda Sarreeye Eebbe: {Rabigayow ha noo qabanin haddeynu illowno ama aynu gefno} {illaa qofkii lagu dirqiyo asagoo qalbigiisa imaanku ku sugan yahay} {wax dembi ah idinkama saarna waxaad ku geftaan, balse waxaa la idin weydiinayaa waxey qalbiyadiina (laabihiina) u qasdaa}

2. Hadduu qoka soomani wax cuno ama cabo isagoo illowsan soonka ka buri maayo, maxaa yeelay asagoo illowsan ayuu sameeyay.

3. Hadduu wax cuno ama cabo asagoo aamminsan in cadceeddu dhacday ama waaga uusan wali baryin soonka ka buri maayo, maxaa yeelay ogaal la’aan ayuu u sameeyey.Hadduu luqluqdo oo ay biyuhu dhuunta u gudbaan isagoo aan ula kac u samayn soonka ka buri maayo, maxaa yeelay uma uusan qasdin.

4. Hadduu qof isku junubo (shahwo ka timaaddo) isagoo (iyadoo) huruda, soonka ka buri maayo. Maxaa yeelay rabitaankiisa/keeda kuma ayan iman.

WAXAYAALAHA SOONKA FURA WAA SIDDEED :

1. Galmada: Qofka soomani hadduu u galmoodo xaaskiisa dharaar Ramdaan ah waxaa wajib ku ah inuu xoreeyo qof addoon ah, hadduu waayo laba bil oo xiriir ah ayuu soomayaa, hadduu awoodi kari waayo lixdan miskiin ayuu rashiin siinayaa .

2. Hadday qofka shahwo kaga timaaddo isagoo soo jeeda sida:- seegada, galmada, dhunkashada, dumidda IWM .

3. Hadduu qofka cuno ama cabbo wax anfacaya ama dhibaya sida:sigaarka .

4. Haddii qofka faleebo lagu suro soonka wuu ka burayaa, maxaa yeelay waxay la mid tahay isagoo wax cunay ama cabbay, laakiin haddii lagu mudo cirbbad aan nafaqo lahayn sida Antibiyootikada soonka ka buri maayo, hadduu ka qaato murqaha ama xididdada waana isku mid hadduu dhadhankeeda dhuunta ama sanka uu ka helo .

5. Hadduu qofka soomani u dhiig baxo, dabadeed dhiig lagu shubo, si uu uga kabto dhiig baxa ku dhacay soonka wuu ka burayaa .

6. Haddii marwadu ka yimaado dhiigga caddada ama kadhka.

7. Haddii qofka dhiig isaga keeno toobin iwm, laakiin dhiigga iskii isaga yimaada sida san-gororka ama ilig laga siibay darteed iwm, soonka buri maayo maxaa yeelay toobin iyo wax la mid ah kuma uusan iman.

8. Hadduu qof mattag khasab isaga keeno, laakiin hadduu matago isagoo aan iska keenin, soonka ka buri maay

FAA’IIDOOYIN KOOBAN
1. Qofka soomaya waxaa u bannaan inuu soonka niyeysto isagoo janaaba qaba (qubeys waajib lagu leeyahay), dabadeed uu ka qubeysto markuu waagu baryo.

2. Haweeneyda hadday Ramadaan gudihiisa ka daahir noqoto dhiigga caadada ama kadhka intuusan waaga baryin waxaa waajib ku ah iney Soonto, xittaa haddeeyan ka qubeysan ilaa waagu ka baryo.

3. Qofka sooman waxaa u bannaan inuu ilig ama gows iska siibo iyo inuu iska daweeyo dhaawaca ka soo gaara, waxaa kaloo u bannaan inuu goojo isaga shubo indhaha ama dhegaha, soonka ka furimi maayo, xiittaa hadduu goojada dhadhankeeda ka dareemo dhuunta.

4. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu cadaydo dharaarta Ramadaan, subax iyo galab isku si ayuu u cadayanayaa sida dadka afuran oo kale.( Qaabka loo jamcinayo Axaadiista kala ah :b-(Qofka sooman urka afkiisa ka soo baxaya wuxuu ka udgoon yahay barfuunka miskiga loo yaqaan ) t-(Xadiiska ka warramaya inuu cadeygu sunno yahay Salaad kasta marka la xiranayo ka hor), urka afka ma aha mid ku yimi cadey la,aan ee wuxuu afka la urayaa waxa weeye: Caloosha qofka sooman oo gaajo aawadeed la gubaneysa )
Tarjumaha

5. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu sameeyo waxyaalo ka fududeeynaya kuleelka daran iyo oonka sida isagoo biyo isku shuba ama isticmaala Mukayaf(qaboojiye ).

6. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu afka isaga buufiyo wax ka fududeeynaya neefsashada oo cirriri ku noqota taas oo ka dhalata cudurka neefta ah iwm

7. Waxaa u bannaan qofka sooman inuu biyo ku qooyo bushimihiisa hadday qallalaan iyo inuu luq-luqdo hadduu afka qalalo, iskana ilaaliyo iney biyuhu ku tagaan.

8. Waxaa sunno ah in saxuurta dib loo dhigo ilaa uu waabarigu soo dhawaado iyo in afurka la dadejiyo isla marka ay cadceeddu dhacdo. Waxaa kaloo sunno ah in lagu afuro Rudab(2) hadduu waayo timir ayuu ku afurayaa, hadduu waayo biyo, hadduu waayo nooc kasta oo raashiin xalaal ah, hadduu waayo wuxuu qalbiga ka niyeeysanayaa afur ilaa uu ka helo wuxuu cuno.

9. Waxaa sunno ah inuu qofka soomani badiyo cibaadooyinka, kana fogaado dhammaan waxyaalaha la reebay.

10. Waxaa wajib ah qofka sooman inuuu dhowro gudashada waajibaadka iyo ka fogaanshaha xaaraamta .

Shanta salaadood mid kasta wakhtigeeda ayuu jameecada la tukanayaa hadduu jameecada hore ula tukan jiray(iyo haddii kale), wuxuu ka fogaanayaa beenta, xanta, khayaanada, dulsaarka ( Ribo ), ooraah iyo fal kasta oo xaaraam ah .
Nabigu(SCW)wuxuu yiri: (Qofkaan ka tegin hadalka beenta ah ku dhaqankiisa iyo jahliga, Eebbe wax dan ah kama laha inuu qofkaasi ka tago raashinkiisa iyo cabbitaankiisa).

Waxaynu Eebbe ka baryeeynaa inuu naga badbaadiyo sharta culimada u bartay diinta sida Mustashriqiinta oo kale iyo inuu khaatumadeenna hagaajiyo, qulubtannadana isku soo dumo, Dowlad loo aayona noo dhaliyo,inoona dembi dhaafo innaga ,waalidiintanada iyo Muslimiinta inta nool iyo inta geeriyootayba.

W/Q: Sheekh Maxamed Bin Saalax Al-Cutheymiin.

COMMENTS