January 3, 2013 | Posted by admin

Inkabadan 22 sano ayaa dalkeena soomaaliya waxaa ka jira dagaalo galaaftey nolosha in badan oo shacabka soomaaliyeed kuwaasoo haba yaraatee aan waxbagalabsan, dagaaladaas waxay horseedeen oo kale barakac, burbur baahsan oo ku dhuftey wadankeena iyo waliba noloshii dadka, dowladinimada iyo qaranimadii dalka oo meesha ka baxdey, waxaa kaloo diiftii dagaaladaasu keeneen ay abuurtey baahi xoogleh, caafimaad darro, jahwareer bulshadeed, iyo in dalkeena loogu yeero magacyo argagax leh,Tusaale,,Dalkii geeriga amaba xeebtii geerida, dalkii qalfoofta noqdey, iyo wax ka sii daran.

Aan is weydiino hadaba Dagaal waa kuma?Dagaal  waa midkii na diley, nabada iyo farxada noo diidey, nolosheenii qaribey, qabuuraha inagu camirey, qaxooti inaga dhigey, qabiilka noo quweeyey, cadaalada naga oodey,  isbaarada noo qurxiyey, danbiilayaasha darajada uyeeley, qarankeenii qariyey;; Aleylehe Dagaal waa midkii arxanlaawayaal, danbi iyo dulli oo dhan inoo xambaarshey.

Walaalaheyga Somaaliyedow qiimeeya oo xasuusta inta dhibaato ah oo aan ka dhaxalney dagaalada;;Tusaale,,sharta beni’aadamka sideedaba sedex baad uga nabad geli kartaa Aqoon, damiir iyo sharci intaba dagaalka ayaa inaga lumiyey, marka sow xaq maahan in aan isweydiino sida ay ku suurto gashey in dagaalka dalkeenu uu qaangaar noqdo, xisaabiya intuu dad inaga diley, ku curyaamay, waqtiguu inaga lumiyey, sharaf darada uu inoo huwiyey, cabsiduu inagu beerey, walwalkoo nagaliey, daganaantuu inoo diidey. waxaa in la xuso mudan in dagaalada soomaliya ka dhacaya 22 ka sanadood in ay hogaan u ahaayeen, qabqableyaal qariban, qabiilo quwad isbidey iyo quwado shisheye oo qaranjabkeena ku qoslaayey.

Sidoo kale iyana waxaana muhiim ah in aanan halmaamin in hogaamiyayaasha dagaalada dalkeena horseeka u ah waligood waxay dagaalamaanba guul dagaaleed waxa ay u yaqaanaan midna uusan la galbanwaxaase xaqiiqdo ah in cida kaliya ee laga guuleystey ay yihiin Shacabka Somaliyed oo noloshoda iyo aayahoodaba la lumiyey, anagaa nala qaley, nala qarxiyey, nala qaxiyey, nala qurmiyey,nala qubey, qarankeeniina nalaga qaribey  waxaa qirasho weyn mudan qaladaad wixii dhacay inaan qayb weyn ku leenahay, bal aan isweydiino marka sababta aan udooraney halaagaas iyo  qaabdaradaas in nolosheenu ku tiirsanaato anagoo heli karna inaan ku noolaano nabad, farxad,midnimo, sharaf iyo waliba dowladnimo leh qaran qabweyn oo qiimo ku leh dunida.

Hadaba inigoo ogsoon in aad wax badan ka ogtihiin dhibaatooyinka dagaalku uu leeyahay marka sow xaqiiqo maahan in dagaalku dilaa yahay dawadiisuna ay nabad tahey,, Nabad la’aanina nolol la’aan tahay,jiritaanka beni’aadamkana ay sal u tahay nabada, wax la taageerana nabadi ugu wanaagsan tahay,nabaduna inoo tahay horumar, farxad, wehel, badbaado, naxariis, kalsooni iyo alle ka cabsi. Waxaa nagu waajib ah hadaan nahay Shacabka Somaliyed in aan u istaagno, taageernana, helitaanka nabad waarta oo ka dhacda dalkeena hooyo, si aan ubadbaadino, nafteena, jiritaankeena, sharafteena, mustaqbalka caruurteena iyo waliba dowladnimadeena.

Ugu danbeynitii walaalaheyga Soomaliyedow isu Dardaarankeenu waa Nabad;; Nabadey adaa ehel inoo ah, adaa macalin inoo ah, adigaan kugu hurudnaa, adaa darajo noo ah, Adaa Difaac Qaranimo iyo Daruur noo Unkotey noo ah. Ilahayow adigaa caadil ah oo ay raxmadaadu weyn tahey ee dadkeyga iyo dalkeyga Soomaaliyed dagaalada, diifta iyo darxumada ka bixi, oo  ugu badal Nabad caam ah, Midnimo iyo Dowlad cadaalad ah,Insha Allah:,Soomaaliyey idina AaaMiiN inoo Dhaha!!.

Qore: Cabdullahi Calas Jimcaale

COMMENTS
  1. AM TESTE said:

    asc wa TESTE waye qofka saxaha waxa wa dilka ka dhacayo wadanka waxa dadka waxa dilayo wa sheekhato oo aha somaliya somaliya DHALAD aha waxa ma dilayo qofsaxa ahan qofka dhalad / somaliya sheekh aha qofka dhalad oo diila waxa somaliya saxa maho / somaliy. 1 DHALAD / DHALASHO 2/ 3 SHEEKATO / dadka saxa aha iyo caruurta saxa aha hala fiiriyo / wa TESTE oo jog ingiriiska num 00 44 79 602 10 704/ MAHADSAN