November 30, 2012 | Posted by admin

Waxaa goordhow golaha guud ee Qaramada Midoobay ay u fariisteen mashruuc ay keentay dawlada Suudaan kaasoo golaha guud ee Qaramada Midoobay looga codsanayo in dawlada Falastiin la siiyo xubin korjoogto ka ah Qaramada Midoobay.
Dawlada Falastiin ayaa maanta golaha guud ee Qaramada Midoobay horegeysay mashruuc ayt ku dalbaneyso in loo ogolaado ka qeybgalka kulamada Qaramada Midoobay inkastoo aysan xubin rasmi ah ka ahayn Qaramada Midoobay.
Furitaanka kulanka oo goordhow bilawday ayaa waxaa ka hadlay wakiilka dawlada Suudaan Dafculaahi Xaaji oo goobta ka akhriyey dawladihii taageeray mashruuca walaalaha reer Falastiin.
Dawladihii kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay waxay gaarayaan illaa 128 dawladood, waxaana ku jirta dawlada SOOMAALIYA oo ka mid noqotay dawladaha sida weyn u taageeray in Falastiin ay fariisato kulamada Qaramada Midoobay.
Sidoo kale dawlada Jabuuti ayaa ka mid ah dawlada taageeray in Falastiin ay timaado shirarka Qaramada Midoobay.
Wakiilka dawlada Suudaan wuxuu kaloo sheegay inay muhim tahay in deg deg Falastiin loogu ogolaado inay xaqa ay leedahay hesho sida in dhulkeeda ay uga baxdo Yuhuuda iyo in shacabkeeda nabad ku noolaadaan.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa isaguna khudbad taariikhi ah oo uu ku weeraray cadawnimada Yuhuuda ka horjeediyey golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Waxaa la filayaa in cod la geliyo mashruucan oo u suurtagalin doona Dawlada Falastiin inay timaado shirararka adduunka ee ka dhacaya Qaramada Midoobay oo markii hore aan loo ogoleyn.

COMMENTS