July 18, 2014 | Posted by admin


Wasaaradda shidaalka iyo macdanta ee dowladda Soomaaliya ayaa la saxiixatay heshiis iskaashi ah shirkadda shidaalka ee Mubadala ee ka dhisan dalkaasi Imaaraadka Carabta.
Heshiiska, ayaa la sheegay in ay isku af-garteen dowladaha Imaaradka Carabta, Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Mubadala in shirkadda ay qayb ka qaadato sidii loo sahmin lahaa goobaha shidaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka qayb qaadato qorshaha qodista haddii shidaal laga helo Soomaaliya.
Wasiirka macdanta iyo shidaalka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar, oo dowladda Soomaaliya heshiiskaan u saxiixay, ayaa warbaahinta Imaaraadka Carabta u sheegay in wadaagga xogaha ku saabsan shidaalka iyo macdanta Soomaaliya ay qayb ka yihiin heshiiska la kala saxiixday.
Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa sheegay in shirkadda Mubadala ay qayb weyn ka qaadan doonto awood siinta iyo horumarinta waxqabadka shaqaalaha wasaaradda iyo horumarinta wax ka ogaanshaha macdanta Soomaaliya.
Musabbeh Al-Kaabi, oo ka mid ah madaxda shirkadda Mubadala, ayaa sheegay in heshiiskaan muhiimka ah uu qayb ka cayaari doono naqshadeynta xog is dhaafsi ku saabsan qaabkii magaalada Abu Dhabi ay ku maalgalisay waaxda shidaalka oo ay ku gaartay halka ay maanta joogto.
Al-Kaabi, ayaa sheegay in shirkadda shidaalka ee Mubadala ay billaabi doonto xiriir qoto dheer oo ay la yeelaneyso wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

COMMENTS