February 17, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay inaan loo dulqdaan Karin in siyaasiinta iyo suxufiyiintu iska tagaan muqdisho islamarkaan ay kusoo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo ka ololeynaya qaranimada Somaliland Sida uu yiri wasiir saxardiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wasiirka Dhanka warfaafinta uqaabilsan Maamulka Soomaaliland waxaa uu sheegay in shacabka Somaliland ay go’aansadeen inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale islamarakaana aan laga yeeli doonin cidna ku xadgudubka jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliland.

Hadalka Wasiir cadaani ayaa imaanaya xili Maamulka Soomaaliland ay xir xiraan dadka ka taga Muqdisho oo gaara Soomaaliland,

Wariye Cabdimaalik Coldoon oo arimaha bulshada ka shaqeeya ayaa hada ku xiran magaalada Hargeysa markii uu dhaawan ka laabtay magaalada Muqdisho.

Maxamed daacad Muqdisho,
[email protected].

COMMENTS