February 18, 2013 | Posted by admin

Laascaanood=Ciidamada amaanka magaalada Laascaanood ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen mid ka mid ah gacan ku ddhiiglayaashii dilay alle ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacameey) oo Jimcihii lagu toogtay magaalada Garoowe  taliyaha ciidamada CID-da Soomaaliland ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay iney soo qabteen mid ka mid ahaa raggii dilay Sheekha iyo  nin kale oo la shaqeynayey.

Taliye Cali Jaamac Aadan ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliland ee gobolka Sool uu ka warhelay in mid ka mid ah raggii dilka u geystay Sheekh C/qaadir uu kusoo wajahanyahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadibne ay ku guuleysteen iney gacanta kusoo dhigaan wuxuuna sheegay iney heleen macluumaad ku saabsan in nin ku sugnaa magaalada Laascaanood uu gaari ka kireystay magaaladaas kadibne uu u dhaqaaqay deegaanka Geeda Midhale oo uu sheegay inuu kasoo qaaday mid ka mid ah ganac ku dhiiglayaashii toogtay Sheekh C/qaadir Gacameey.

Cali Jaamac Adaan taliyaha hay’da CID-da Soomaaliland ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada amaanka iyo laamaha sirdoonka oo is kaashanaya ay gacanta kusoo dhigeen danbiilayaashaas isagoona tibaaxay iney jeelka u taxaabeen ,wuxuuna carra baabay in ninka laga soo qaaday deegaanka Geeda Midhale ay qiraal u hayaan inuu kamid ahaa 3 ruux oo uu sheegay iney fuliyeen dilka Sheekh C/qaadir Gacameey Alle ha u naxariistee oo mid ka mid ah hore loogu qabtay Garoowe halka ka kalane uu wali baxsad yahay.

Taliyaha ayaa sheegay iney sidoo kale jiraan dad kale oo fara badan kuwaas oo ay usoo qabqabteen dilka Sheekh C/qaadir Nuur isagoona intaa ku daray iney  hayaan lamaane uu sheegay iney ka yimaadeen deegaanka Galgala oo ay fariisin ku leeyihiin ururka alshabaab kuwaas oo uu sheegay iney ku tuhmayaan iney gacan saar la leeyihiin alshabaabka ku sugan deegaanadaas.

COMMENTS