May 18, 2017 | Posted by admin

Madaxwaynha Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
maanta jeediyey khudbad uu ugu talo galay
maalinta 18-ka May ee gooni u istaaga
Somaliland ayaa wuxuu kaga hadlay codsiga dawlada
Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in laga
qaado dalka Soomaaliya cunoqabareynta hubka ee Saaran,
arrintaasi oo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi
Farmaajo ku codsaday shirkii dhawaan lagu
qabatay magaalada London ee looga hadlay
arrimaha Soomaaliya.
“Maanta Umadda Soomaaliyeed way kala tagtay,
wayna kala tashatay oo ma jirto dal iyo dalwad ka
dhaxaysa oo ay wadaagaan, haddii qayb ka mid
ah  laga qaado cunaqabateynta hubka ama
dunidu hubayso waa hubaal inay tallaabadaasi u
horseedi doonto mandaqida Geeska Afrika
xasilooni daro iyo xurgufo hor leh oo abuura
xiisaddo colaadeed” ayuu ku yiri khudbadiisa
Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Maamulka Gooni isku Taagay ee Somaliland wuxuu si wayn uga
digay in cunaqabateynta hubka xilligan laga
qaado Soomaaliya.

wuxuuna yiri ” Waxaan si wayn
uga digayaa in qowmiyadda Soomaaliyeed la
dhex dhigo utun iyo arima sabab u noqon karta
cawaaqib xumo aan laga soo kaban”.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku sheegay
khudbadiisa in ay ugu baaqayaan sida hadalka uu
u dhigay “dalka aan dariska nahay ee Soomaaliya”
in aan ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami
oo aanay waqti iska lumin.
“Axmed Siilaayo ayaa Cidsi ujeediyay dalalka
midowga Yurub, Mareykanka, Boqortooyada
Ingiriiska, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta
iyo dawladdaha ku bohoobay urur goboleedka
IGAD inay garwaaqsadaan qadiyadda Qaranimada
Somaliland isla markaana ixtiraamaan xaqa waayo
katashiga Shacabigeenna” ayuu yiri
madaxweynaha Somaliland.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS