March 27, 2017 | Posted by admin

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu si rasmi ah uga bilaabmay gobolka Saraar oo ay ula jeedaan Degmada Caynaba iyo deegaannada ku xeeran ee ka tirsan Gobolka Sool iyo sidoo kale Gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in howsha sahminta ay ku fidi doonto deegaano ka tirsan Gobolo ay ugu magac dareen Daad Madheedh, Maroodi Jeex, Gobolka Hawd.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Sahminta shidaalka ay u gudbi doonto Gobolka Sanaag, waxaana tallaabadan ay ku tilmaameen mid maamulkooda ka saacidi doonta inay soo saartaan kheyraadka deegaanadooda

Maamulka Somaliland ayaa dhowaan heshiis la gashay dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo dhigaya in saldhig milateri ka dhistaan magaalada Berbera, hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa ka soo hor-jeesatay heshiiskaas, kaasoo dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ka dhex dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan shidaal sahminta ay sheegtay in Somaliland ka bilowday Gobolada Sool iyo Togdheer,
somaliland

somaliland1

somaliland2

COMMENTS