January 20, 2017 | Posted by admin

ital

Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Maxkamad lagu soo taago Cismaan Maxamuud oo ah 22-sano jir u dhashay Soomaali, kadib markii horey loogu eedeeyay in uu la shaqeyn jiray Kooxaha dadka Tahriibiya.

Eedeyesane Cismaan Maxamuud ayaa Dalka Talyaaniga waxa uu ku galay qaab Qaxootinimo ah bilowgii bishii September ee sannadkii hore.

Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiin doonta Cismaan Maxamuud, waxaana Garsoorayaasha Maxkamada qaarkood ay sheegeen in dambiga Cismaan uu yahay mid culus, sidaasi darteedna xukunkiisa uu ahaan doono mid aan sahlaneyn.

26-kii September ayaa lagu qabtay Xero ku taalla magaaladda Milan, kadib, markii ay aqoonsdeen dadkii Dhibanayaasha ee uu ku soo waxyeeleeyey gudaha dalka Libya, waxaana loo heystaa dilka 4 Tahriibayaal, Kufsi wadareed, Jir dil iyo Afduub.

Haween Soomaali ah ayaa u sheegay Baarayaasha Talyaaniga inuu kufsaday Eedeysanahaasi oo ka tirsanaa Kooxda Ma-gefayaasha Liibiya ee Tahriibayaasha ku tacdiya, sidoo kalena uu ku amray in ay bixiyaan Lacago Madax furasho ah.

COMMENTS