November 11, 2012 | Posted by admin
Ciidanka Yemen ayaa dad Soomaali ah ku dilay Gobal ku yaala Koonfurta dalkaasi kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen qaxooti badan oo Soomaaliyeed misane halkaa maraayay.

Gaarigaan oo ahaa bas ayaa maraayay gobalka Lahaj waxaana markii uu soo gaaray goob Koontarool ah uu ka joogsan waayay askartii halkaa joogtay taa ayaana keentay in rasaas lagu furo.

3 qof oo Soomaali ah ayaa halkaa ku dhintay 5 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, waxaana dhacdadaasi kadib ay ciidanka Yemen ogaadeen in waxa ay dileen ay qaxooti ahaayeen.

Sarkaal u hadlay Yemen ayaa u sheegay warbaahinta inay maleenayaan Soomaalidaan inay u socdaan inay garab siiyaan dagaalyahanada Al-Qaacida ee halkaasi ka dagaalanta.

COMMENTS