December 6, 2012 | Posted by admin

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala  saxiixday heshiis iskaashi ah oo ku aadan hormarinta hay’adaha kala duwan ee Dalka ayadoo heshiiskaasina lagusoo bandhigay magaalo madaxda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Kadib shir dheer oo qaatay saacado oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa waxaa labada Madaxweyne shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Ankara ay kusoo bandhigeen heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan oo ay labada dowladood si rasmi ah u kala saxiixdeen.

Heshiisyadan oo dhammaantood ah iskaashiga hormarinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeeya iskaashi labada dhinac ay ka yeeshaan Gaashaandhigga ayadoo heshiiskaasina uu si rasmi ah Soomaaliya fursad ugu siinayo dib u dhiska iyo hormarinta arrimaha Gaashaandhigga oo ay ugu horeeyso dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne hortooda ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka Gaashaandhigga ah ayadoo heshiiskaasina uu sahlayo in Turkigu ay tababar iyo qalabeyn siiyaan Ciidamamda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waxaana heshiiskaasi dhanka Gaashaandhigga ah goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamamda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maalliyadda Soomaaliya.

Heshiiskan waxa uu wax badan ka bedelayaa in Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ka helaan tababarro iyo qalabeyn joogta ah taasi oo horseedeysa in Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay noqdaan Ciidammo leh awood buuxda ayadoo qalabkoodana uu u dhameystiranyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal jeediyey saxiixidda heshiisyadaasi kadib waxa uu uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga taageerrada lexaadka leh ee ay nala garab istaageen lagasoo bilaabo saameyntii Abaaraha ee dalka ku dhuftay bartamihii sanadkii 2011ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu heshiisyadaasi ku tilmaamay iney yihiin kuwo dhaba u xaaraya hormarka Soomaaliya iyo halka ay Umaddu hiigsaneyso oo ah iney dib u helaan hay’addo Dowladeed oo dhameystiran kuwaasi oo si hufan u gata dhammaanba howlaha ay shacabku ka sugayaan ayadoo sidoo kalena uu Madaxweynuhu Ballan qaaday in Soomaaliya ay xoojin doonto xiriirka soo jireenka ah ee walaalaha Turkiga kala dhaxeeya.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalla Guul oo isaguna dhankiisa hadal jeediyey heshiisyadaasi kadib ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Turkiga ay ka go’antahay iney si dhab ah u taageeraan walaalahooda Soomaaliyeed ilaa inta uu dalkooda cagahiisa isku taagayo waxaana uu Ballan qaaday iney sii socon doonto taageerrada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxey si wadajir ah u saxiixeen heshiisyo horseedaya iney Dowladda Turkigu door weyn ku yeelato dib u dhiska iyo hormarinta Hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiisyadan lagu saxiixay magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga ayaa noqonaya heshiisyadii ugu waaweynaa ee mar qura ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho dal ka mid ah dalalka dunida hormartay ayadoo sidoo kalena heshiiskan lagu tilmaami karo heshiiskii ugu horeeyey oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la saxiixdo dal ka tirsan Qaaradda Yurub.

Inkastoo guud ahaan heshiisyadaasi ay yihiin kuwo hormarinta Dalkeenna gacan ka geysanaya hadana dad badan heshiiska ay sida gaarka ah ugu arkaan inuu yahay mid muhiim ah waa heshiiska ay qalinka ku wada duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Mudane İsmet Yılmaz     .

Sababtu waxa ay tahay Turkiga waa dal Ciidankiisu aad u dhisanyahay waana dalka labaad ee ugu Ciidanka iyo Hubka badan Ciidammada la isku yiraahdo Gaashaanbuurta NATO taasi oo dad badan ay u arkaan iney Soomaaliya u tahay fursad ay dib u dhis iyo qalabeynba ugu sameynsan karto Ciidammadeeda Qalabka Sida.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu dambeeyey ay Dowladda Soomaaliya si aad ah ugu howlaneyd dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida taasi oo ay Dowladdu la kaashaneysay dalal Afrika ku yaala waxaana taasi ay keentay in Ciidammada hada uu ka muuqdo dib u dhis waayo gudaha dalka iyo dalalka Afrika qaarkood waxaa tababarro kala duwan loogu soo xeray Ciidammo hada ka tirsan kuwa Qalabka Sida oo iyagu gudaha dalka ka howlgala.

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ahaa mid soo jireen ah balse dad badan waxa uu si aad ah ugu muuqday sanadihii ugu dambeeyey xiligaasi oo ay walaalaha Turkigu door weyn ku lahaayeen gurmadkii uu Caalamku Soomaaliya ugusoo gurmaday markii ay gobolka saameysay abaar xoogan ayadoo kolkaasina uu Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho taasi oo indhaha caalamka Soomaaliya si aad ah ugusoo jeesiday islamarkaana bedeshay aragtidii ku aadaneyd in Soomaaliya ay tahay Dal aanan Madaxda Caalamku tegi Karin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hada socdaal ku jooga magaallada Ankara waxa uu maalinnimada khamiista berri ah u ambabixi doonaa magaalada Istanbul halkaasi oo uu kula kulmayo Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

COMMENTS