April 30, 2015 | Posted by admin

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in sannadkii inna dhaafay ee 2014 ay ganacsatada Soomaalidu suuqyada Gacanka Carabka u iibgeeyeen illaa 5 million oo xoolo ah, waana tiradii ugu badnayd ee ay Soomaaliya u dhoofiso debedda 20 sano ee ugu dambeeyey.

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda FAO ayay ugu mahadnaqeen Midawga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska doorka ay ka qaateen maalgelinta iyo ka hortegidda xanuunada ku dhaca xoolaha.

Xoolahan ayaa isugu jiray illaa 4.6 Million oo adhi iyo riyo isugu jira, 340,000 oo lo’ ah iyo 77,000 oo geel ah, xoolahan ayaa qiimahoodu gaadhayaa illaa 360 Million oo dollar.

Xoolaha Nool ayaa lafdhabar u ah dhaqaalaha Soomaalida waxaana uu ka yahay dakhliga dalka illaa 40%.

Suuqyada loo iibgeeyo ayay ka mid yihiin Sucuudiga, Yemen, Cummaan, Kuwait, Qadar iyo Imaaraadka Carabta, waxaanna dhammaan dalalkani ka faa’iidaan koboca xoolaha Soomaalida ka dib markii kor loo qaaday heerka baadhitaanka cudurada ku dhaca xoolaha iyo la socoshada xaaladda caafimaad ee xoolaha.

Hay’adda FAO oo kaalmo dhaqaale ka helaysa Midawga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay sannad walba tallaasho xoolo gaadhaya illaa 24 Million oo neef.

COMMENTS