February 28, 2012 | Posted by admin

DUHUR-15-kii May 1943-dii waxaa u suurta gashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhidibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club}ururka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay,

13-kii Dhalinyarada ee Ururka SYL oo qofkasta oo Somalia ay muhiim tahay inuu barto,sidoo kalena baro jiilka cusub waxay kala yihiin.

1. Cabduqadir Sheekh Saqaawadiin, oo ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi jiray 24-sano.

2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, oo ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.

9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.

10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.

12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.

COMMENTS