February 5, 2013 | Posted by admin

Qaar kamid ah siyaasiyiinta maamulka Puntland ayaa ka hadlay dilalka loo geesto waxgaradka deegaanada maamulka Puntland ku sugan xilli maalintii sabtida Suldaan Onkod Magaalada Boosaaso lagu dilay.

Maxamed Axmed Siciid oo kamid ah siyaasiyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in dilalka loo geesanayo dadka waxgaradka ah ay tahay arin ay ku dheehan tahay siyaasad sida uu sheegay.

Wuxuu tilmaamay in maamulka Madaxweyne Faroole uu ka dambeeyo dilalka loo geesto dadkaasi arintaasina ay tahay mid lagu caburinayo dhaqdhaqaaqa waxgaradka ee ay kaga soo horjeedaan muddo kororsiga Faroole.

“Waan canbaareynaynaa in salaadiintii Boosaaso dhexdeeda lagu toogto arintaasina waxaa ka shaqeeyay maamulka iminka talada haysta”Sidaasi waxa yiri Maxamed Axmed Siciid oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland.

Deeganada maamulka Puntland ayaa muddooyinkaan dambe waxaa ka taagan xasarad dhanka siyaasada ah iyadoo kooxo hubaysan Maalintii sabtida ee Biloowga todobaadkana ay toogteen Suldaan Muuse Faarax Onkod oo kamid ah salaadiinta Puntland.

COMMENTS