October 29, 2014 | Posted by admin

Siyaasiyiintaan, ayaa xabsiga la dhigay xilli ay ka qayb qaadanayeen banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu shalay booqasho ku joogay Magaaladaasi Baydhabo.

Cabdi Aadan Hoosow, Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay dib u sii daayeen Siyaasiyiinta ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ka dib markii ay balanqaadeen inaanay ka qayb qaadan doonin banaanbax dambe.

Gudoomiyaha, ayaa wax aan la aqbali karin waxa uu ku tilmaamay in la qal-qal geliyo ammaanka Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, isagoona shacabka kaga digay in dusha laga soo riixo.

Saldhiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa weli ku xiran dad shacab ahaa oo banaanbixii shalay lagu soo qab qabtay, ka dib markii lagu eedeeyay inay hubeysnaayeen.

Madoobe Nuunow Maxamed, Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed, ayaa wuxuu Dowladda Somaliya ku eedeeyay, in ay si adag isu hortaagtay banaanbax nabadeed, oo dadka deegaanka ay dareenkoodu ku muujinayeen, sida uu yiri.

COMMENTS
  1. I simply want to mention I’m new to blogging and site-building and honestly savored you’re page. More than likely I’m want to bookmark your site . You actually come with very good articles and reviews. Appreciate it for revealing your blog.