February 22, 2013 | Posted by admin

Keith Ellison oo ah xildhibaan kamid ah congresska waddanka Maraykanka oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Nairobi.

Waxaana xildhibaanku uu kulan la qaatay siyaasiyiin ay kamid yihiin gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Iikar, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali nuur Ameeriko,xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil,xildhibaan Xirsi Aadan Rooble,Dayib Maxamuud Sheekh iyo Siciid Qorsheel.Iyo Cabdi Aden o ka socday Xafiiska R/isal Wasaaraha

Waxaana xildhibaanka ay uga mahad celiyeen booqashadii taariikhiga ahayd ee uu ku tagay magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaameen inay sii xoojinayso aqoonsigii uu dhawaan Maraykanku siiyay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya jaylaani Iikar oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ula dhacsanyahay heerka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka ayna tahay buu yiri in la sii xoojiyo.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah wasiirkii hore ee dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta oo isna la hadlay xildhibaanka ayaa ka codsaday in la adkeeyo xiriirka u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya iyo Maraykanka, tababarna loo furo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ku aadan dajinta sharciyada dalku uu ku shaqaynayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay xilligan ku jirto marxalad wanaagsan loona baahanyahay in lagala shaqeeyo dawlada Soomaaliya sidii loo dhaqan galin lahaa dastuurka cusub ee dalku uu yeeshay.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya ayaa isna ku boorriyay Maraykanka inay sii wadaan la shaqaynta dawlada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay wax wayn ka tarayso horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ay Soomaaliya tiigsanayso.Siya2.jpg

Hibo Yaasiin oo ka socotay ururada bulshada rayidka ah, madaxna ka ah ururka IIDA ayaa iyaduna ku boorrisay dawlada Maraykanka inay ka shaqayso sidii loo dardar galin lahaa taageerada ay siiso bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambayntiina Dayib Maxamuud Sheekh oo kamid ah aqoonyannada Soomaaliyeed ee mudada dheer ku noolaa dalka Maraykanka ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay taageerada ay dawladda Maraykanku siisay dawlada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay xoojinayso soo celinta qaranimadii iyo midnimadii Soomaaliya.

Xildhibaan Keith Ellison ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu tago Muqdisho, isagoo xusay inay mar walba weydiin jireen Soomaalida ku nool Minnesota oo ah deegaanka laga soo doorto, xilliga uu tegi doono Soomaaliya, balse uu codsigaasi ka jawaabay uuna ku faraxsanyahay horumarka siyaasadeed ee uu Soomaaliya ku soo arkay.

COMMENTS