May 26, 2015 | Posted by admin

Xukuumadda Nigeria waxa ay isku dayaysaa in ay Maraykanka u gacangaliso nin siyaasi ah oo dalkeeda u dhashay kaas oo loo haysto in uu daroogo ka ganacsado.
Askar ka socota ha’yadda la dagaaanka mukhaadaraadka ee Nigeria ayaa maalmo jooga banaanka hore ee guriga Buruji Kashamu.
Waxay sheegayaan in ay ka jawaabyaaan codsi ku saabsan in US loo gacan galiyo ninkan oo ah senator dhawaan la doortay oo lagu eedeeyey in uu hormuud u ahaa shabakad ka baayac,mushtari jirtay sagaashameeyadii maandoriyaha herowiinka, laakinse senatorku wuu beeniyey in uu wax lug ah ku lahaa dambiga oo wuxuu sheegay in haybtiisa lagu khaldamay oo garyaqaanada dawladu ninka ay donayaan uu yahay walaalki oo dhintay.
Heyadda la dagaalanka mukhadaaraadka nigeria waxay heshay amar ah in ninkani uu hortago maxkamad isniintii, laakinse kashamu kama soo xaadirin maxkamada, af hayeenkiisuna wuxuu sheegay in aysan jirin warqad loo jaray oo ah in la soo xiro senatorka.
Dadaalada la donayo in ninkan US loogu gacan galiyo hore ayaa loogu fashilmay, 1998 Kashamu waxaa lagu xiray Britain isaga oo sitay 230 kun oo dollar.
Waxaase jah wareer ka dhashay hayntiisa iyo cidda uu yahay markii uu 5 sano xirnaana waa la sii daayey.
Hay’adda la dagaalanka mukhadaaraadka Nigeria waxay sheegtay in ay fileyso wali in siyaasigan uu isu soo dhiibo oo uu maxkamad hortago.
Hase ahaatee garsoore maxkamadeed ayaa iminka ku eedeeynaya heyadda in ay gabtay in ay sidii uu ahaa nidaamku ay raacdo iyo in dadaaladii ninkan loogu gacan galin lahaa Maraykanka ay u eg tahay in uu gali doono qaab sharci ah oo wareer ah.
Maraykanku hore waxaa dhowr qof loogu helay dambiyo la xiriira isla shabakadan herowiinka ka baayacmushtara.
Waxaa ka mid ahaa Piper Kerman oo wixii soo maray buug ka qoray oo buugii laga sameeyey taxane TV laga daawado oo aad loo xiiseeyo oo la dhoho Orange is the new black.

COMMENTS