August 14, 2017 | Posted by admin

Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa wado dadaalo ka dhan ah Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle ka dib markii ay Mooshin ka gudbiyeen Madaxwayne Cali Cabdullaahi.
Shalay ayaa waxaa is casliya ilaa iyo 12 wasiir oo ka tirsan Maamulka hirshabeelle ka dib markii ay sheegeen in aysan ka shaqeen karin Madaxwaynaha Maamulkaas.
Waxaa Hada magaalada Jowhar ka soconaya Dadaalo xoogan oo ay wadaan Xildhibaanada Maamulkaas, Kuwaas oo doonaya in xal loo helo Caqabadaha ka dhax-tagan Maamul Gobaleedka Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu ku baa bi’iyo Qorshaha ka dhanka ah oo ay wadan xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle.
Madaxda Maamulkaas ugu sareesa ayaana hada Goob joog aheen Magaalada Jowhar waxaana Taas ay sahli kartaa in madaxwaynaha hirshabeelle uu caqabad la kulmo.

Maxamed daacad Muqdisho,

[email protected]

COMMENTS