July 28, 2015 | Posted by admin

Sida ay daabacday BBC-da oo soo xiganeyso saraakiilka Sirdoonka Soomaaliya waxaa loo maleynayaa in qaraxii ka dhacay hotelka Jazeera inuu fuliyay ruux asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo heysta dhalashada dalka Germnay.

Ruuxa fuliyay qaraxaasi ayaa loo maleynayaa inuu kasoo tagay magaalada Bonn ee dalka germany, sida sarkaalka u sheegay BBC-da, laakiin ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo arimahaasi ku saabsan.

Weerarka ka dhacay Hotelka Jazeera ayaa sababay dhimashada 15 ruux kuwaasi oo dad rayid ahaa, waxaana ku dhaawacmay inka badan 20 ruux, waxaana sheegtay ururka Alshabaab oo dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo dowlada Soomaaliya.

Tiro dhalinyaro Soomaaliya ayaa horay kaga soo safray dalalka ku yaala qaarada Yurub iyo Mareykanka kuwaasi oo ku biiray Alshabaab, si ay kaga barbar dagaalamaan Alshabaab.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dowlada Germany oo ay ku xaqiijineyso ama ku beenineyso in ruux isku qarxiyay Hotel Jazeera uu ahaa Somali Germal.
– See more at: //risaala.net/articles/27360/Sirdoonka-Somalia-oo-faah-faahin-ka-bixiyay-ruuxii-isku-qarxiyay-Hoteelka-Jazeera#sthash.yVFoYEL2.dpuf

COMMENTS