June 23, 2015 | Posted by admin

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay markii ugu horraysay inay weerar ku qaadday goob saldhig ay ururka Al-Shabab ku leeyihiin magaalada Baardheere.

Warbaahinta Dawladda ayaa sheegtay in weerar dhulka ah iyo bambooyin loo adeegsaday weerarka lagu qaaday saldhiggaasi, halkaasna uu ka dhacay khasaare.

Warar ay idaacadda VOA heshay ayaa sheegaya in xalay bambo lagu tuuray xaruntii hore ee saldhigga booliska oo ay adeegsadaan Al-Shabab laakiin waxaan weli caddayn khasaaraha ka dhacay halkaasi.

Waa markii ugu horraysay ee dawladdu ay sheegato inay ka dambaysaya weerar ka dhacay gudaha magaalo gacanta ugu jirta Al-Shabab.

COMMENTS