January 2, 2014 | Posted by admin
Fadlan asxaabeey ka faaiideysta in aad ka fogaataan musiibadaan oo kale oo saaxiibkey Abdulkadir Mursal uu ka qiseeyey…in laga fikaro mudan, laga xanuunsado, in dadka looga digo iyo in laga fogaado intaba mudan.
QOL MUGDI AH !

SIDEE BAAN U RUMEYSTAA? WAA WAX MADAXEYGA KA WEYN!

Weriye ka mid ah raadiyo Ergo ayaa galabta sheekadan ii soo weriyay! nin dhakhtar ah ee ka shaqeeya rugaha ka hortagga HIV/AIDS ka ayaa uga warramay qisadan amakaaga nagu ridday.

Wuxuu yiri: Gabadh reer dalkan ah ee jaariyad u ah reer Soomaaliyeed ee halkan deggan oo u soo doonata xarunta la tashi maadaama ay la nooshahay cudurkan HIVga dawooyinna ka qaadata ayaa waxay dhakhtarka uga sheekeysay in odeyga reerka ay u shaqeyso iyo saddex wiil uu dhalay oo dhamaantoodba jaadka cuna u soo kala dhuuntaan habeenkii oo ninba muraakiisa ka qunsado isagoon midna midka kale ogaan, waxayna i siiyaan bay tiri kiiba 100 shilin.

Waxay gabadhu intaas ku dartay iney guriga wax ka joogto xaaska odeygaas oo ah hooyada wiilashaas dhashay, waxnana ka ogeyn waxa meesha ka socda.

Marka sow maaha in reerkaasi dhamaantii wada qaadeen cudurkaas, oo hooyadaas miskiinta ahna uu odayga balaayo u keenay. Midda ka sii daranse sow maaha in wiilashaas ay sugayaan gabdho Soomaaliyeed oo wada caafimaad qaba iney mustaqbalka dhow guursadaan oo ay sii qabadsiiyaan cudurkaas? Sow wax laga naxaa maaha?

COMMENTS