September 24, 2014 | Posted by admin

Wasiirka dibada maamulka Somaliland wuxu ku hal-qabsaday gobolka Scotland oo ka tirsan UK, oo dhawaan laga qaaday Afti ay ku xaqiijinayaan rabitaan-kooda, inay ka mid ahaadaan Ingriiska iyo inay noqdaan dawlad ka madaxbanaan ayaa yiri “somaliland waxay rajaynaysaa in sida Scotland oo kale afti laga qaado”.

Wasiirka inay sidani aqoondarro ka tahay iyo inkale waxa haboon bal in wariyaayaashu waydiiyaan marka uu safarka kasoo noqdo.

Siyaasiyiinta iyo ururada u ololaynayay inay Scotland noqoto dal madaxbanaan ayaa soo maray nidaamka iyo wadada saxda ah ee bulshooyinku u maraan madaxbanaanidooda.

Sida nidaamku yahay marka uu gobol madaxbanaani rabo isaga oo baarlamaan iyo wasiiro leh ama maamul hoosaadba leh horta waa inuu ka midyahay wadanka uu ka go’ayo oo uu dawlada dhexe hoostegaa xataa haddii arrinku gacan ka hadal gaaray oo jiiddaa ay ka jirtay jabhad xornimo doon ahi.
Tusaale ahaan, Ereteriya waxay itoobiya ka go’day iyadoo ka mid ah oo dawlada dhexe ee itoobiya hoos tegta, Koonfurta suudaan oo lahayd jabhad xornimo doon ah oo muddo badan dagaal kula jirtay dawlada Suudaan waxa aftida laga qaaday iyadoo ka mid ah dalka oo dawlada dhexe ee suudaan ka taliso.

Scotland waxay leedahay Baarlaman iyo maamul hoose oo u gooni ah oo toos u hoostega dawlada Dhexe ee Ingiriiska, madax-banaanidoodana waxay u mareen wadadii saxda ahayd, iyagoo u codeeyay waxan ka mid ahaanaynaa ingiriis weyne, mana jirto fursad kale oo ay ku dalbadaan madaxbanaani, jaanisku wuxu ahaa mar qura.

Raysul-wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo Raysulwasaarihii hore Golden Brown oo isagu kasoo jeeday Scotland, Xildhibaano, Siyaasiyiin Umadda Magaca ku leh Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka mid ahaa dadka kaambeynka adag ka galay ee sida weyn uga dhex ololaynayay gobolka Scotland iyagoo shacabka gobolka ku nool u bandhigayay qiimaha iyo sharafka wada jirka dalka Ingiriiska.

Marka ay dawlada dhexe ee Somaliya Hargeysa, Borama, Burco iyo Laascaanood uga arimiso sida ay Xamar iyo gobolada kale uga arimiso. Marka Madaxweynaha Somaliya iyo Raysul-wasaaraha iyo Siyaasiyiinta Soomalia ay tuulo tuulo u tegi karaan goboladan amarkooduna ka socdo.

Marka Siyaasiyiinta madaxa banaan sida Buubaa Hargeysa ka dhex ololeyn karo, Cabdi Samatarna Boorama ka dhex ololeeyo ee waliba dadka goboladan ku nooli aqbalaan in rabitaankooda cod la galiyo shuruudaha hoos ku qorana la buuxiyo markaasaa Afti laga sheekayn karaa

Waxa u baahan in hoosta laga xariiqo Shuruudaha ku xeeran haddii gobol madaxbanaani ka doonayo dalkii uu ka midka haa.

1-Waa in dawlada dhexe ka taliso guud ahaan wadanka si ay awood ugu yeelato inay qaadato doorkeeda siyaasiga ah.

2- Waa in ay dawlada dhexe degaanada aftida laga qaadayo uga ololaysaa si la mida ama kaba sii balaaran sida kuwa goosashada u ololaynaya.

3. Waa in TV-yada iyo Jaraa’idada waaweyn ee wadanka Aan loo isticmaalin ololaha goosashada, laakiin lagu baahiyo faa’iidada iyo sharafka wada jirka iyadoon wax loo dhimayn lana dhaleecaynayn rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka goosashada raba.

4. Waa in aanay jirin cabsi laga qabo in dagaalo ka curtaan degaanada aftida laga qaadayo.

5. Waa in marka hore gobolka ama degaanka aftida laga qaadayo dadweynaha ku nooli is ogolyahay oo ay diyaar u yihiin in rabitaankooda cod la galiyo.

6. Waa in uu jiro aqoonsi cadaynaya muwaadinka codaynaya si aanay u dhicin musuq-maasuq iyo laba codayn, jinsiyaduna waa in ay tahay mid ay bixisay dawlada dhexe oo qofkasta oo muwaadin ah oo degaan ku ah gobolka Aftida laga qaadayo uu codkiisa ku dhiiban karo iyadoon loo eegayn qabiil iyo gobolka uu ku dhashay.

7. Muwaadinka codaynaya ee haysta jinsiyada wadanku waa in uu halkaa uu deganaa muddo sharciga doorashadu qeexayo iyadoon loo eegayn qabiilka iyo gobolka uu marka hore ka yimid.

Marka shuruudahaasi la buuxiyo waxa suurto-gali karta in bulshadaa la siiyo fursad ay rabitaankooda ku muujiyaan.Laakiin hadii sheekadu noqoto la iisoo gali maayo, afti in la iga qaado iyo aqoonsibaan rabaa marna ma suurto-galayso, haddii aanay jirin dano kale oo dawlada quwada lihi ka leeyihiin gobolka.

Somaliland hadii ay rabto in Afti laga qaado marka hore waa inay hoos tegtaa dawlada dhexe ee Soomaaliya, xaqiiqdu waa sidaa ee masaakiintan aad meesha ku ooddeen ha waalina, u fura hawada ha neefsadaane.

COMMENTS