October 11, 2017 | Posted by admin

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadatashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo goor dhow ay heshay Jowhar.com ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Khilaafka siyaasadeed, xaalada Galmudug iyo Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Shirka ayaa lagu dhisay Gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada oo loogu magac daray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye iyo kuxigeen loo doortay sanadka koowaad Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay inay yeelan doonaan shirar kale oo ka dhici doona xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

war-murtiyed1-714x1024

war-murtiyed2

war-murtiyed3

COMMENTS