October 8, 2017 | Posted by admin

Shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa si rasmi ah uga furmay goordhow  magaalada Kismaayo kadib markii ay halkaasi gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa loogaga hadli doonaa arrimo kala gedisan oo quseeya siyaasada dalka Soomaaliya.

Madaxda shirka qeybgalaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland, Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kahor inta uusan bilaaban shirkan uu iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada ay ku sugnaayeen Madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS