October 7, 2017 | Posted by admin

Wararka haddana naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubblanad ayaa sheegayo inuu dib u dhacay Shirkii la filayey inuu berri halkaas ka furmo.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo sababta uu shirkaas u baaqday ayaa sheegayo inay tahay madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood oo ciriir ku noqotay inay helaan diyaaradihii geyn lahaa magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa dib loo dhigay, waxaana weli shaki ku jiro waqtiga uu furmi doono, waxaana la isla dhex marayaa inuu furmi doono Isniinta ama Talaadada midkood.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kaliya ayaa halkaas gaaray, halka Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ay halkaas gaari la’yihiin sababo lagu sheegay cilad xagga helitaanka diyaaradihii geyn lahaa Magaalada Kismaayo.

Lama ogo sababta loo la’yahay diyaaradaha maalin kasta tagi jiray Kismaayo, waxaase macquul ah inay jiraan arrimo kale oo qarsoon oo aan weli la helin.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeedo shirkaas, lamana ogo haddii ay lug ku leedahay sababta uu shirkaas u baaqday.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS