May 27, 2017 | Posted by admin

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maalintii saddexaad ku degi la’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo khamiistii ay dhowr jeer ku fashilantay inay caadi ugu soo degto garoonka, sababo dhanka hawada iyo dabeylo jira awgood.

Diyaaradda Turkish duulimaadkii khamiistii ayaa ku degi weyday garoonka, waxaana ay aaday Jabuuti, balse rakaabkii ay waday oo hotelada ku yaalla Jabuuti oo buuxay awgeed ayay dib ugu laabatay Istanbul.

Sidoo kale maalintii shalay oo jimco aheyd ayaa labo diyaaradood oo kala waday rakaabkii khamiistii dib u dhaca ku yimid iyo midkii caadiga ahaa ee maalinlaha ah oo ka soo duulay Istanbul, ayay hadana mar kale u suura geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Labada diyaaradood ee shalay degi waayay ayaa markii dambe ku kala degay Jabuuti iyo Mombasa, halkaasoo ay dhigeen rakaabkii ay wadeen, hotelana geeyeen

Balse saaka oo sabti ah markii labada diyaaradood ay ka soo kala kicitimeen Jabuuti iyo Mombasa waxay hadana mar kale u suura geli weyday inay garoonka ka degaan.

Labada diyaaradood ee Turkish Airlines ee saakay degi waayay ayaa waxay ku laabteen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Diyaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Jubba iyo Daallo ayaa si caadi ah saakay uga degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde.

Hase ahaatee Diyaaradda Turkish Airlines ayaa la sheegay inay ka mamnuuc tahay in diyaarada degto, iyadoo dabeylo badan jiraan, waxaana ay ku degtaa cabir ku saabsan dhanka dabeysha.

Diyaaradaha ka dega garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka yimaada dhinaca badda, iyadoo mararka qaarna magaalada dusheeda soo mara, balse sababo amni awgeed ayaysan diyaarada Turkish Airlines u soo mari karin dusha sare ee magaalada Muqdisho.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS