March 25, 2017 | Posted by admin

Shirka Madaxda Urur Goboleedka (IGAD) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaasi oo horey loogu balansanaa.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madax ka socota dalalka ku jira Urur Goboleedka (IGAD) iyo xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka.

Waxaa diirada lagu saari doonaa Shirkan maanta ka furmaya Nairobi Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka (IGAD).

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Shirkaan si weyn looga doodo Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga dalka Kenya ayaa Madaxda kulankaasi ka qeyb gali doonta u jeedi doono Khudbad uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Galabta, waxaana laga soo saari doonaa Qodobo la xiriira xaaladaha Qaxootiga iyo sidoo kale Abaaraha Soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS