July 25, 2016 | Posted by daacad yare

Shirka madaxda wadamada Carabta ayaa maanta ka furmaya dalka Mauritania, iyadoo arrimaha looga hadlayo ay ka mid tyihiin xaaladda Soomaaliya.
Shirka 27aad ee Wadamada carabta ee ka furmaya dalka Mauritania ayaa hogaamiyeyaasha ka qeyb galaya waxa ay kaga doodayaan 16 qodob oo ay ku jirto horumarinta iyo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay warfidyeenada ayaa sheegay waxyaabaha shirka looga hadlayo oo ay ka midtahay arimaha Soomaaliya,Falastiin iyo sout suudan.

“Shirka arrimaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah horumarinta ciidanka, qorshuhuna waxa uu yahay in Soomaaliya dhismaha ciidanka laga caawiyo, bishii Ramadaan ayuu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Mauritania soo booqday Muqdisho, isagoo warqad ka qeyb gal ah u siday Madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo uu Madaxweynuhu ka aqbalay” ayuu yiri Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa.

COMMENTS